Rasuul

Rasuul

اسم الله
#FFFFFF

Maqaalkaan waa tix ka mid ah tixaha:
Islaamka

Rasuul Ras'uul Nabi Nebi (ingiriis: Apostle, Prophet; carabi: ﻧﺒﻲ, "Nabiyu"; wadar الأنبیاء, loogu dhawaaqo "Al-Anbiyaa"; sidoo kale: ﺭﺳﻮﻝ, "Rasuul"; wadar ahaan: الرسل; "Ar-Rasul"; Greeg: ἄγγελος, ä'n-ge-los; Hebrew: מלאך, mal·äk) waa nin karaamaysan[1] oo Ilaahay (s.w) u soo diray dad, qoom, shacab ama qoomiyad.[2] Rasuul kasta waxaa loo soo diray in uu baro, u digo, isla markaana hogaamiyo bulsho dad ah. Tirada Rasuusha ee Alle u soo diray shacabka, qabiilada iyo bulshooyinka dunida aad ayay u faro badan yihiin; sidoo kale, wakhtiyada ay soo baxeen aad ayay u kala duwan tahay.[3] Sida ay qabaan khubarada aqoonta fiican u leh diinta Islaamka isticmaalka Rasuul iyo Nebi way kala duwan tahay, inkastoo guud ahaan labada erey loo adeegsado si isku dhow amaba isku mid ah. Sida ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa jira in ka badan 110,000 oo Nabi kuwaasi oo Ilaahay u soo diray shacabyo iyo qoomiyado kala duwan oo ah dad iyo jini. Laakiin Rasuusha Alle soo diray ee ku xusan kitaabka Quraanka Al-Furqaan ee diinta Islaamka waa shan Rasuul[4] oo kutub leh iyo sadex Rasuul oonaan aqoon u lahayn kutubta lagu soo dejiyay.[5] Waxayna kala yihiin: Nebi Ibraahim, Nebi Muuse, Nebi Daa'uud, Nebi Ciise, Nebi Muxamed. Rasuul kale oo aynaan aqoon iyo cilmi toona u lahayn kitaabta Alle ku soo dejiyay, waxaana ka mid ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub, Nebi Yoonis.

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee diinta Islaamka waxaa ku xusan tiro 25 Rasuul iyo Nabi kuwaasi oo ugu horeeyo aabaheen Nebi Aadam (c.s) uguna dambeeyo nabiga lagu soo khatimay anbiyada iyo rususha waa Nebi Muxamed.[6] Intaasi waxaa dheer, Nebiyada iyo Rusushu waxaa Alle (s.w) u soo diri jirey qoomiyado kala duwan oo deegaano kala duwan ku nool, kuwaasi oo ku fasahaadey ama ka jeestay cibaadadii iyo diintii Alle u soo diray. Marka nebiyada iyo rusushu waxay ahaayeen kuwa dadka uga diga xumaha isla markaana fara wanaaga iyo wadada toosan.

Guud ahaan, sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[7] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:

Guud ahaan, sida ku xusan diinta Islaamka, diinta Masiixiyada, iyo tan Yuhuuda, anbiyada waxaa ugu horeeyay isla markaana aabe u ah Nabi Aadam C.S. oo ah aabaha dhamaan dadka.[12] Nabiyada Alle (s.w) soo diray waxaa ugu dambeeyay Nebi Maxamed (c.s.w) oo ka soo baxay qabiilka qureeysh sanadkii 570kii taariikhda miilaadiga ah.[13]

  1. "Nabi sidoo kale loo qoro Nebi"
  2. "ingiriis: Prophet; carabi: ﻧﺒﻲ, "Nabiyu"; wadar الأنبیاء, loogu dhawaaqo "Al-Anbiyaa"; sidoo kale: ﺭﺳﻮﻝ, "Rasuul"; wadar ahaan: الرسل; "Ar-Rasul""
  3. "Tirada Rasuusha ee Alle u soo diray shacabka, qabiilada iyo bulshooyinka dunida aad ayay u faro badan yihiin"
  4. "kitaabka Quraanka Al-Furqaan ee diinta Islaamka waa shan Rasuul"
  5. "sadex Rasuul oonaan aqoon u lahayn kutubta lagu soo dejiyay"
  6. "Kitaabka Quraanka kariimka ah ee diinta Islaamka waxaa ku xusan tiro 25 Nabi iyo Rasuul kuwaasi oo ugu horeeyo aabaheen Nebi Aadam (c.s) uguna dambeeyo nabiga lagu soo khatimay anbiyada iyo rususha waa Nebi Muxamed"
  7. "Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul"
  8. "*Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed"
  9. Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
  10. Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse
  11. Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud
  12. "diinta Islaamka, diinta Masiixiyada, iyo tan Yuhuuda
  13. "sanadkii 570kii"

From Wikipedia, the free encyclopedia · View on Wikipedia

Developed by Nelliwinne